UNHCR oo diiwaanka ka saartay 14.000 Kenyaati Qaxooti is-qoray!

Published: December 28, 2020

Hay’ada Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in baaritaan dheer kadib 14-kun oo dad u dhashay Kenya oo is qoray Qaxootinimo laga saaray liiska Qaxootiga ku sugan wadanka Kenya.

Kenyaatigan ayaa isku dhex qariyey qaxootiga lagu hayo dalka Kenya oo intooda badan ka yimid Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan taageerada UNHCR ay siiso qaxootiga lagu hayo xerada weyn ee Dhadhaab.

Baaritaankan oo ay Dowlada Kenya gacanta kasiiyey hay’ada UNHCR ayaa qeyb ka ah qorshaha la doonayo in lagu xiro qeyb kamid ah xerada Dhadhaab oo mar hoy u ahayd 600-kun oo qaxooti ah oo intooda badan ka yimid dalka Soomaaliya.

In badan oo kamid ah Qaxootiga Ka yimid Soomaaliya ayaa la sheegay inay dib ugu noqdeen wadankooda sanadihii lasoo dhaafay, halka ay jireen dad u dhashay dalka Kenya oo iyagu iska dhigaya qaxooti oo is-diiwaangeliyey.

Baaritaanka UNHCR ayaa soo bilowday bishii November ee sanadkii hore waxaana ka qeyb qaatay Oday dhaqameedka qabaa’ilka kala duwan iyo laamaha amaanka si loo xaqiijiyo aqoonsiga qaxootiga diiwaangashan.

Xoghayaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Kenya, Xuseen Dado ayaa sheegay in ay jireen Kenyaati badan oo qaxootinimo is qoray si ay u helaan taageerada UNHCR bixiso.

Qaxootiga rasmiga ah ee weli ku sugan Kenya ayaa la sheegay in la siin doono kaarar cusub oo u fududeyn doona dhaq dhaqaaqooda iyo inay shaqo helaan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment