USA: Trump oo saxiixay Miisaaniyada cusub $2.3 Trillion looga hortagayo saameynta Covid19

Published: December 28, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Axadii ugu danbeyn saxiixay miisaaniyada cusub oo uu Baarlamaanka dalkaasi ansixiyey in lagu kabo dhaqaalaha dalkaasi oo khasaaro badan kasoo gaaray cudurka Covid19.

Miisaaniyadan oo ay ku jirto lacagta lagu kabayo dadka shaqadooda ku waayey covid19 iyo kuwa kale ee aan iska bixin karin ijaarka ayaa waxaa todobaadkii hore ansixiyey Baarlamaanka (Kongareeska) Maraykanka.

Miisaaniyadan ayaa waxaa kamid ah lacagta lagu kabayo shacabka dalkaasi oo loo qoondeeyey in qoys walba lasiiyo 600 dollar, halka lacago kale lagu kabayo ganacsatada khasaaraha kasoo gaartay saameynta cudurka Covid19.

Marka laga yimaado lacagta lagu kabayo dadka khasaaraha kasoo gaaray Covid19, waxaa miisaaniyadan ku jirta lacagta loogu talo galay hay’adaha kala duwan ee dowlada Maraykanka oo doonayey in lacagtan loo fasaxo kahor maalinta Salaasada ah.

Trump oo xilka ka degaya 20ka bisha soo socota ee Janaayo ayaa ku goodiyey inuu diidi doono inuu saxiixo miisaaniyadan isagoo codsanayey in wax laga bedalo qaabka lacagtan loo qeybiyey, balse ugu danbeyn ayuu ku khasbanaaday inuu saxiixo dhaqangelinta lacagtan kahor intaan la gaarin maalinta Salaasada oo ah wakhtigii loo qabtay.

Hase yeeshee dib u dhaca saxiixa Trump ayaa keenaya in todobaadka ugu danbeeyey ee bishan aysan dadka u baahan lacagtan heli doonin taasi oo saameyn badan ku yeelan doonta qoysaska aan heysan dhakhli ku filan.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *