Golaha shacabka oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021

Published: December 29, 2020

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.

Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana  ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2021 u codeysay 145-mudane mana jirin xildhibaan ka aamusay iyo wax diiday.

Mudanayaasha ayaa shalay akhrinta labaad marsiiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya meel marinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.

“ Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an iney xoojiso oo sii laba jibaarto dib-u-habeynta Maaliyadda,” ayuu ku yiri Wasiir Beyle qoraal uu soo dhigay Bartiisa gaarka ah ee Facebooka.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee u soo dhabar adeegay shaqada iyo isbedelka Maaliyadeed ee Dowladda ay ku talaabsatay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Salaam,
    Waxaan maqli jiray kud ka guur oo qanjo u guur… waxaan kaloo maqli jiray maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa!!!