Koonfur Galbeed oo war kasoo saartay weerarkii Xulka KGS

Published: December 29, 2020

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Najax oo shir jaraa’iid maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dowlada Soomaaliya iyo Gobalka Banaadir ka sugayaan inay jawaab ka bixiso weerarkii xalay lagu qaaday xulka Koonfur Galbeed iyo taageerayaashooda.

Dad gaaraya 18 qof oo isugu jira Ciyaartoyada KGS iyo taageerayaashooda ayey dhaawacyo kala duwan soo gaareen kadib markii xalay lagu weeraray gaawaridii ay saarnaayeen xili ay kasoo baxeen Stadium Yariisow oo ay ka dhacday ciyaartii dhexmartay KGS iyo Banaadir.

“…Hadii aan jawaab nalaga siin wixii shalay ku dhacay ciyaartoyda Koonfur Galbeed, kama soo qeybgali doonno ciyaaraha gobalka Banaadir lagu qaban doono…” ayuu yiri Wasiirka

Wasiir Najax ayaa sheegay in aysan dib danbe uga qeyb geli doonin ciyaaro lagu qabto gobalka Banaadir iyo casumaad danbe oo ay ka helaan xiriirka kubada cagta ee Federaalka hadii aan wax laga qaban weerarkii loo geystay.

Ciyaartii shalay ee dhexmartay Koonfur Galbeed iyo Banaadir ayaa waxaa ku guuleystay kooxda Banaadir 3-1, oo u gudubtay ciyaarta Finalka. Waxaa la sheegay in dhalinyaro badan oo ciyaartaasi u daawasho tagay ay bilaabeen dhagax-tuur markii ay ciyaartaasi dhamaatay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *