Kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza oo bilaabay dhoolatus Militari

Published: December 29, 2020

Kooxaha reer Falastiin ee xaruntoodu tahay magaalada Qasa (Gaza) ayaa markii ugu horeysay si wadajir ah u sameeyey dhoolatus ay ku mideysan yihiin kooxaha kala duwan ee hubeysan.

Dhoolatuskan oo isugu jiray mid dhinaca dhulka, cirka iyo Badda ah ayey kooxahan oo ay ku jiraan Xamaas iyo Islamic Jihad ku tijaabiyeen gantaalo cusub oo ay ku rideen dhinaca badda.

Afhayeenka kooxda Islamic Jihad ayaa maanta oo Salaasa ah sheegay in dhoolatuskan militari ay doonayaan inay ku muujiyaan sida ay diyaar ugu yihiin dagaal kale oo ay la galaan ciidamada Israel.

Israel ayaa dhankeeda ku sheegtay dhoolatuskan mid ay soo qaban qaabisay dowlada Iran oo taageerta kooxaha ku sugan Gaza, xili ay sii xumaaneyso xiisada u dhaxeysa Iran iyo Israel.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *