Shiikh Shariif oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garowe

Published: December 29, 2020
Shares14

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed oo maanta gaaray caasimada Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Madaarka Garowe.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo mas’uuliyiinta dowlada Puntland ayaa soo dhaweeyey Madaxweynihii hore oo kamid ah murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Shiikh Shariif ayaa ka qeyb geli doona shirarka ka dhici doona maalmaha soo socda magaalada Garowe oo looga hadlayo xaalada iyo siyaasada wadanka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *