Suxufi Macalimuu oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumada Federalka

Published: December 29, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Suxufi Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maxamed Ibraahim Macallimuu kula dar daarmay in uu si hagar la’aan u guto waajibaadka loo idmaday.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa ah suxufi wax badan ka soo shaqeeyay Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee gudaha iyo dibadda, isla markaana xoghaye ka ahaa urur u dooda xaquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *