USA: Biden oo sheegay in Xukuumada Trump caqabad ku tahay xil-wareejinta

Published: December 29, 2020

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden ayaa ku eedeeyey Xukuumad wakhtigeeda dhamaaday ee uu hogaamiyo Donald Trump inay weli hor taagan yihiin hawlo badan oo la xariira xil wareejinta.

Joe Biden oo Isniintii shalay kulan gaar ah la qaatay Kooxdiisa qaabilsan siyaasada arrimaha dibada ayaa saxaafada u sheegay in maamulka Trump ay weli diidan yihiin in ay la wadaagaan xogta muhiimka u ah dhankooda sida arrimaha amniga Qaranka si ay ugu diyaar garoobaan xilwareejinta dhici doonta 20ka Janaayo.

“…Wasaarada Gaashaandhiga ayaa kamid ah wasaaradaha weli diidan inay soo wareejiyaan xogta looga  baahan yahay, arrinta waa mas’uuliyad daro weyn…” ayuu yiri Joe Biden oo dhawaan dhameystiray xubnaha uu usoo xulay Golihiisa Wasiirada.

Donald Trump oo wakhtigiisa ku egyahay 20 Janaayo ayaa illaa iyo hada diidan inuu aqbalo in looga guuleystay doorashadii dhacday 3dii November.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *