Bangaladesh oo qaxootigii Muslimiinta Rohigya u rartay Jasiirad yar!

Published: December 30, 2020

Dowlada Bangaladesh ayaa bilowday in qaxootiga muslimiinta Rohigya ee ka yimid dalka Burma ka rarto xeryihii ay ku noolaayeen, iyadoo u wareejineysa jasiirad yar oo go’adoon ah.

Salaasadii shalay oo kaliya ayaa qaxooti gaaraya Kumanaan kun ay ciidamada Bangaladesh ku qadeen maraakiib iyagoo geeyey jasiirada lagu magacaabo Bhasan-Char.

Dowlada Bangaladesh ayaa sheegtay in xeryaha ku yaal xaduuda oo ay ku noolaayeen malaayiin qaxooti ah ay buuxsameen, isla markaana jasiiradan ay u diyaarisay goobo ay degaan qaxootiga, waxayna ku doodeen in qaxootiga aan lagu khasbeyn inay guuraan.

Hay’adaha xaquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyey qorshaha Bangaladesh iyagoo sheegay in jasiirada hada qaxootigan la geeyey ay tahay goob u nugul fatahaada khatarna gelin karta nolosha qaxootigaasi muslimiinta ah ee laga soo baro-kiciyey dalkooda Burma (Myanmar).

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *