Shirarka ka socda Garowe iyo Kulanka Heritage

Published: December 30, 2020

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka looga hadlayo xaalada amni iyo Siyaasada dalka Soomaaliya oo uu soo diyaariyey mac-hadka Heritage.

Shirka oo shalay lagu waday inuu ka furmo Hotel Martisoor ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii uu hoolka shirka qaadi waayey tirada dadka badan ee shirkaasi kasoo qeyb galay, waxaana loo wareejiyey oo uu maanta ka furmayaa xarunta jaamacada PSU Garowe.

Waxaase magaalada Garowe ka socday habeenadii lasoo dhaafay kulmo kale oo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda iyo siyaasiyiinta magaalada ku kulmeysa, kulamadaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin kuwa looga hadlayo xal u helida murran ka taagan arrimaha Doorashooyinka 2020/21.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo isagu sheegay inuu dadaal ugu jiro dhex dhexaadinta Villa Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada Puntland & Jubaland ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda maamuladaasi.

Axmed Qoor Qoor oo gurigiisa ku booqday Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaan weli ka hadlay natiijada kulankaasi, isagoo sidoo kale la kulmay qaar kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha ee hada ku sugan Garowe.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa isaguna waday wadatashiyo uu la sameenayey Murashaxiinta Madaxweynaha, Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Guddoonkooda oo ku sugan magaalada Garowe iyagoo ka wadahadlay arrimaha weli la isku khilaafsan yahay ee caqabada ku noqday doorashada sida Guddiga Doorashada, nidaamka doorashada xildhibaanada Somaliland iyo xaalada gobalka Gedo.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *