Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda

Published: January 1, 2021

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee 2021 oo ay hore u soo ansixiyey Golaha Xukuumadda Federaalka, ayna meelmariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweynuhu wuxuu xildhibaanada Barlamaanka ku boggaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyaga oo ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad ka turjumeysa baahida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo dul-istaagay kororka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *