Madaxweyne Deni Oo Ku Baaqay In Laga Heshiiyo Khilaafka Doorashada – VIDEO

Published: January 2, 2021

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi oo maanta soo xiray madasha aragti wadaagga ee Heritage ayaa soo jeediyey inay mar kale shir isugu yimaadaan madaxda dawladda Federaalka iyo madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, si looga wada-xaajoodo hanaanka doorashada loogana jawaabo tabashooyinka ka taagan hanaanka doorashada.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen madaxda dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada 17dii bishii September,  baarlamaankuna ansixiyey 27-dii isla bishaas uu yahay sharciga kali ah ee haatan lagu gali karo doorashada, balse ay tahay in laga wada hadlo dhaliilaha iyo tabashooyinka ka taagan dhaqan galintiisa.

“Waxaan codsanayaa inaan fitno colaadeed la kicin, doorashaduna waa waxa la isku hayaa, waa doorasho, waana wax sanduuq lagu rido, ololuhuna waa hadal, qori boos uma banaana”.

Madaxweyne Deni

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *