Rooble oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada shaqaalaha dhismaha wadada Muqdisho-Afgooye

Published: January 2, 2021

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa  isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee qaraxa la beegsaday.

Rooble ayaa wareystay dhaawacyada oo uu mid kasta ku booqday sariirtiisa wuxuuna illaah uga baryay caafimaad.

Raysalwasaaraha ayaa sheegay dowlada iyo shacabka soomaaliyeed ay ka go’antahay horumarinta dalka iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay kana tacsiyeysay falkii argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin Soomaali & Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho & Afgooye sabtidii 2da Janaayo 2021.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *