Xil-kaqaadistii Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada

Published: January 2, 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Liibaan Aden Yarow, oo xilkaasi muddo dheer soo hayey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkan u magacaabay Guddoomiyaha cusub Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Guddoomiyaha cusub ayaa horey u soo noqday Wasiirka Ganacsiga Xukuumaddii Raysalwasaare Saacid, dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxkamada Ciidamada ayaa ah midda hada qaada dhamaan danbiyada culus sida maxkamadeynta xubnaha ka tirsan Al Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada, maxkamadan ayaa dhawaan xoriyadiisa dib ugu helisay Taliyihii Hore ee ciidamada Danab oo ay Villa Soomaaliya ku eedaysay Musuq maasuq.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *