Ciidamada Danab oo hawlgalo ka fuliyey degmada Buurhakaba

Published: January 3, 2021

Ciidamada Guutada 16-aad ee Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka  sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Baay.

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Xarumo ay Kooxda Nabaddiidka ah ee Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegay in howlgalka ay ku qabteen Rag ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan, kadib markii ay isaga baxeen degaannada howlgalka laga sameeyay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *