Faransiiska oo askar looga dilay dalka Mali

Published: January 3, 2021

Dowlada France ayaa maanta oo Axad ah xaqiijisay in weerar ka dhacay dalka Mali looga dilay askar.

Weerarkan ugu danbeeyey ayaa Sabtidii ka dhacay deegaanka Menaka ee wadanka Mali, kadib markii miinoo ay la qaraxday gaarigii ay saarnaayeen askarta Faransiiska.

Kooxaha xiriirka laleh Al Qacida ee dalkaasi ka dagaalama ayaa sheegtay weerarkan.

Maalmo kahor ayaa sidan sadex askari oo kale looga dilay Faransiiska isla wadankaasi Mali.

Ciidamada France ayaa hawlgalkooda ka bilaaba dalka Mali sanadkii 2013 si ay dalkaasi uga saaraan xoogaga ka tirsan Al Qacida, waxaana tan iyo xiligaasi hawlgalkan inta la xaqiijiyey Faransiiska looga dilay in ka badan 50 askari.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *