Lafta-gareen oo ka codsaday Turkiga & Qatar dhameystirka Wadada Afgooye

Published: January 3, 2021

Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirada Turkiga iyo Qatar.

Lafta-gareen oo dib uga soo noqday safar uu maalmahan ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa kala hadlay Safiirada Turkiga iyo Qatar hawlaha wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho.

Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan weerartay mashruucan sanadihii lasoo dhaafay socday, Madaxweynaha KGS ayaa ka tacsiyeeyay khasaarihii dhimashada iyo dhaawaca ahaa ee kasoo gaaray shaqaalaha iyo ciidamada weerarkii shalay ee ismiidaaminta ahaa.

Weerarkii shalay ayuu ku dhintay mid kamid ah Injineerada u dhashay dalka Turkiga ee hawsha waday, waxa sidoo kale khasaaro dhaawac ah soo gaaray shaqaalaha iyo ciidamada Haramcad ee illaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *