Madasha Wadatashiga ee ka hortagga Nafaqo darada

Published: January 3, 2021

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Madasha Wadatashiga ee ka hortagga Nafaqo darada.

Kulanka oo uu soo qabanqaabiyey mashruuca ka hortagga nafaqo darada ee Puntland, waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Agaasimeyaal guud iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyay howlaha la qabtay, waxaana uu masuuliyiinta ku shaqo leh barnaamijkan uu ku booriyay inay intaasi kasii dar-dar galiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *