RW.Rooble oo kormeer ku tagay Bali-doogle – Sawiro

Published: January 3, 2021

Raysalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday xerada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Rooble iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xerada Bali-doogle ku soo dhoweeyay Saraakiil ciidanka, wuxuuna mudada uu joogo u kuurgalayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Raysalwasaaraha Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kormeer ku sameyn doona dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xerada Bali-doogle oo ah taliska guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka.

Bali-doogle ayaa ah xarunta ciidamada Komandooska Danab oo ay tababarka siin jireen ciidamada Maraykanka oo hada bilaabay inay isaga baxaan dalka Soomaaliya.

Raysalwasaaraha ayaa kormeerkiisa maanta waxa ku wehliyey Wasiirka Caafimaadka, Taliyaha Ciidamada Qaranka iyo Saraakiil ka socotay Taliska SNA iyo AMISOM.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *