Saraakiisha ciidamada EU-da oo qalab Sport gudoonsiiyey Kooxda Gobolka Banaadir

Published: January 3, 2021

Saraakiisha Ciidamada Talyaaniga iyo Spain ee ku sugan Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay qalab-Sport guddoonsiiyeen ciyaaryahanada xulka gobolka Banaadir ee dhawaan ku guuleystay.

Munaasabada qalabka lagu siinayey ciyaartowda gobalka Banaadir oo ka dhacay Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, ayaa waxaa lagu dhiirigalinaayey ciyaaryahanada xulka Gobolka Banaadir ee ku guuleystay koobkii dowled goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Qalabkan ayaa isuga jira banooniyaal, funaanado iyo agab kale ee logu talagalay Ciyaaraha.

Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo wacyi galinta maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed oo goob joog ka ahayd munaasabada ayaa uga mahadcelisay saraakiisha EU-da taageerada ay siiyeen Ciyaartoyda Gobolka Banaadir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *