Shacab lagu xasuuqay dalka Niger

Published: January 3, 2021

Ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dilay weerar ay maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen Galbeedka dalka Niger sida ay xaqiijisay xukuumada Niger maanta oo Axad ah.

Maleeshiyaadkan aan heybtooda la aqoon ayaa la sheegay inay xasuuqeen shacabkii kusugnaa labo tuulo oo lagu kala magacaabo Tchombangou iyo Zaroumdareye oo ka tirsan gobalka Tillaberi oo saaran xaduuda Niger la leedahay dalalka Mali iyo Burkina Faso.

Kooxda falkan geysatay ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca dalka Mali, waxaana gobalkaasi horey weeraro noocaan ah uga geystay kooxaha ka tirsan Al Qacida iyo ISIS.

Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid aargudasho ah oo ay kooxdaasi uga jawaabeysay dil ay shacabka deegaankaasi u geysteen labo maleeshiyaad ah oo dhulkaasi lagu dilay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *