Xukuumada Federaalka oo Madaarka Muqdisho ka mamnuucday hubka!

Published: January 3, 2021

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda amniga ayaa arrintan u sababeysay kor u qaadida amniga Garoonka Aadan Cadde iyo tixgelinta cabashooyin isdaba joog ah oo ka yimid maamulka Garoonka oo ku saabsan ammaanka gudaha Garoonka.

Iyadoo la fulinayo amarka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayay Wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka waxay ku wargelisay Hay’adaha ku socoto warqaddani iyo kuwa ogeysiiska ku leh intaba, inaan lala geli karin wax hub ah gudaha Garoonka Aadan Cadde si loo dhowro amniga Garoonka, waxaana kaliya loo ogolaaday iney hubka la gelin karaan ilaalada madaxweynaha JFS, Ra’iisal wasaaraha JFS, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta kale, ayaa la faray in ay ciidamada la socda iyo hubkooda ay ku reebaan iriddaha hore ee laga galo garoonka sida Madina gate iyo Mariina Gate.

Go’aankan ayaa u muuqda mid hubka looga dhigayo illaalada Murashaxiinta Madaxweynaha oo horey usoo qabtay hogaanka dalka, Xildhibaanada iyo waliba madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka oo illaaladooda mar walba kala soo degga Muqdisho Airport.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *