Koonfur Galbeed ma qaban doontaa Doorashada Aqalka Sare?

Published: January 4, 2021

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Cabdicasiis Maxamed (Laftagareen) Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Kulankan ayaa lagu sheegay mid Madaxweyne Farmaajo kala hadlayey hogaamiyaha KGS in la hirgeliyo doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaan weli dhaqan gelin jadwalkii ay soo saareen Guddiga Doorashada ee xukuumada Federaalka magacowday, guddigaasi oo ay qaadaceen Murashaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha.

Hadii koonfur Galbeed ay qabato sida Villa Somaaliya dooneyso doorashada Aqalka Sare taasi ayaa noqoneysa mid sii adkeysa in wax xal ah laga gaaro cabashada ku aadan in wax laga bedalo xubnaha ay mucaaridka diidan yihiin ee kamid ah guddiga doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaan illaa iyo hada ka jawaabin baaqyada badan iyo cabashada ka imaaneysa Mucaaridka, halka Raysalwasaare Rooble uu sheegay in laga doonayo mucaaridka inay ku kalsoonaadaan xukuumada isaga uu hogaamiyo inay dhaqan gelin doonto doorasho xalaal ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *