Qoor Qoor oo fariintii Garowe gaarsiin doona Villa Somalia

Published: January 4, 2021

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho isagoo maanta ka ambabaxay magaalada Garowe caasimada Puntland oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa.

Qoor Qoor oo kulamo badan magaalada Garowe kula soo yeeshay Madaxda Puntland, Jubaland iyo Murashaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu Villa Somalia gaarsiiyo fariimaha uu ka sido madaxda ku sugan Garowe.

Guddiga Doorashada ee Xukuumada Federaalka magacowday ayaa todobaadkii hore sheegay inay jadwalkoodii hirgeli waayey ay dib ugu dhigeen waan waanta Madaxweynaha Galmudug uu wado, waa siday hadalka u dhigeenee.

Hadaba Qoor Qoor oo aan weli warbaahinta uga waramin fariinta uu Garoowe ka keenay ayaa la qorsheenayaa inuu shir alabaabada u xiran yihiin la yeesho Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Macada in Villa Somalia ay aqbali doonto codsiyada ka imaanaya Dowlad gobaleedyada Puntland & Jubaland iyo waliba Murashaxiinta Madaxweynaha ee dhaliilsan qaab-dhismeedka Guddiga Doorashada iyo khilaafka ka taagan dhanka gobalka Gedo.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *