USA: Nancy Pelosi oo markale loo doortay Guddoomiyaha Kongareeska Maraykanka

Published: January 4, 2021

Nancy Pelosi ayaa markii 4aad loo doortay xilka Guddoomiyaha Kongareeska Maraykanka kadib codeyntii xubnaha cusub ee Golaha Wakiilada.

Ms.Pelosi oo ah haweenaydii ugu horeysay oo xilkaasi qabta ayaa si dirqi ah uga guuleysatay hogaamiyaha Xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga Kevin McCarthy.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Xisbigeeda Dimuquraadiga ayaa diiday inay u codeeyaan Ms.Pelosi iyagoo ka aamusay codbixinta, waxayna ugu danbeyn heshay 216 cod halka ninka la tartamayey uu helay 209 cod.

Waxaa la filayaa in muddo xileedkan loo doortay Ms.Pelosi ay noqon doonto markii ugu danbeysay oo ay xilkan u tartanto.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *