Amiirka Qatar oo si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Sacuudiga

Published: January 5, 2021

Amiirka Qatar Shiikh Tamim oo goor dhaweyd ka degay magaalada Al-Ula ee dalka Sacuudiga ayaa soo dhaweyn diiran lakala kulmay madaxda Sacuudiga oo uu hogaaminayo dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman.

Booqashada Amiirka Qatar ayaa la xariirta ka qeyb galka shirka dalalka Khaliijka GCC oo maanta ka furmaya wadanka Sacuudiga. Amiirka Qatar ayaa casumaad ka helay Boqorka Sacuudiga Salman.

Dowlada Sacuudiga ayaa xalay ku dhawaaqday inay furtay dhamaan xaduudaha ay la wadaagto dowlada Qatar, kadib waan waan muddo soo socotay oo ay ka shaqeysay dowlada Kuwait.

Shirka GCC ayaa la filaya in looga hadli doono sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka dhex taagan wadamada Khaliijka iyadoo la filayo in shirar kale ay isugu imaan doonaan muddo dhaw.

Sacuudiga, Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray dowlada Qatar Sanadkii 2017, tan iyo xiligaasi ayaa waxaa xayiraad dhulka, badda iyo cirka ah la saaray Qatar.

Go’aanka Sacuudiga ku qaaday xayiraada saarneyd Qatar ayaa ahayd sharuud kaliya oo ay xukuumada Doxa ku xirtay wadahadalka iyo dadaalada ay wadaan wadamada Kuwait iyo Maraykanka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *