Xayiraada cusub ee dowlada UK soo rogtay!

Published: January 5, 2021

Laga bilaabo maalinta Arbacada berrito ah wadanka UK ayaa galaya lix todobaad oo xiritaan ah si looga hortago faafida nooca cusub ee cudurka Covid19 oo ay dowladaasi weli xakameyn la’adahay.

Raysalwasaare Boris Johnson oo ku dhawaaqay go’ aankan ayaa sheegay in dhamaan suuqyada iyo iskuulada dalkaasi xirnaan doonaan illaa bartamaha bisha soo socota ee Feberaayo.

Isbitaalada wadankaasi ayaa la sheegay inay qarka u saaran yihiin inay buuxsamaan, si looga hortago culeyskan saaran isbitaalada loona xakameeyo faafida cudurkan waxaa lama huraan ah in aan guryaheena joogno, ayuu yiri Mr.Johnson oo cadaadis kala kulmay xisbiyada mucaaridka, aqoonyahanada iyo bahda caafimaadka dalkaasi.

Xukuumada UK ayaa sidoo kale ka fiirsan doonta inay tilaabooyin dheeraad ah ka qaado dhinaca Duulimaadyada caalamiga ah ee wadankaasi imaanaya.

Waxaase la fasaxay inay sii socdaan ciyaaraha horyaalka dalkaasi ee loo yaqaan Premier League-ga.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *