Xubno Guddiga Doorashada oo gaaray Baydhabo Xili uu dhamaad yahay jadwalkoodii Aqalka Sare!

Published: January 5, 2021

Xubno ka tirsan Guddiga lagu murransan yahay ee Doorashada oo ay xukuumada Federaalka magacowday ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashada ayaa jadwalkii ugu danbeeyey oo ay shaaciyeen ku sheegeen in maanta oo ah 5ta Janaayo ay ku egtahay xiliga qabashada codsiyada iyo diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, xili aysan weli muuqan wax qaban qaabo doorsho ah oo socota.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ku sugan Muqdisho ayaa kulan habeen-hore la yeeshay Madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo uga wadahadleen arrimaha doorashada sidii loo dardar gelin lahaa.

Villa Soomaaliya ayaa dadaal weyn uggu jirta in maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug bilaaban doorashada Aqalka Sare si meesha looga saaro cabashada murashaxiinta Madaxweynaha iyo maamulada Puntland & Jubaland.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *