Al Shabaab oo weerar aargudasho ah ku qaaday shacabka Bacaadweyne

Published: January 6, 2021

Wararka laga helayo Bacaadweyne ee koonfurta gobalka Mudug ayaa sheegaya in kooxda Al Shabaab ay burburisay qaar kamid ah ceelashii Biyaha ka cabi jireen shacabka deegaankaasi.

Qaraxyo waaweyn ayaa xalay laga maqlay deegaankaasi iyadoo la sheegay in maleeshiyaadka Al Shabaab weerarkoodan si gaar ah ulla beegsadeen illaha biyaha ay ku nool yihiin shacabka deegaankaasi.

Weeraradan ayaa u muuqda mid Al Shabaab ay uga aargudaneyso shacabka deegaankaasi oo dagaal hubeysan kala hortagay maleeshiyaadka Al Shabaab oo 30kii bishii November weerar ku qabsaday Bacaadweyne.

Kooxda Al Shabaab ayaa Bacaadweyne laga saaray kadib markii shacabka deegaankaasi iyo dadka reer guuraaga ah ay gacan siiyeen ciidamada dowlada.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *