Dowlada Puntland Oo La Wareegtay Masuuliyada Gabar Ku Dhimatay Gacanta Booliska

Published: January 6, 2021

Dowlada Puntland ayaa la wareegtay masuuliyada khasaaraha ka dhashay rasaas ciidamada Boolisku ku fureen mudaharaad bishii hore ka dhacay magaalada Garowe, oo ay ku geeriyootay qof shacab ah oo dumar ah.

Gabadha oo da’deedu ahayd 15-sano jir ayaa geeriyootay 2-dii bishan January 2021, waxayna muddo saddex maalmood ah ku jiray tallaagad, kadib markii ay qoyskeedii sheegeen inaan la aasayn ilaa ay cadaalad ka hesho.

War qoraal oo kasoo baxday wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu caddeeyey in ay la wareegeen masuuliaydda geerida Nadiiro Feysal Shire Barre oo sababsatay rasaasta ciiddanka amniga.

Xafiiska Xuquuqul aadanaha Puntland ayaa bayaan uu shalay soo saaray wuxuu ku dalbaday in caddaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka gabadhan.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *