Madaxweyne Deni Oo Daahfuray Ololaha Qof iyo Fuusto Ee Ceeldaahir & Ceergaabo – VIDEO

Published: January 6, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Ololaha Qof iyo Fuusto oo daamur loogu ururinayo dhameystirka Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo.

Madasha ayaa lagu ururiyey kumanaan fuusto oo daamur ah, iyadoo wasaaraddaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda ay ku deeqeen tiradii ugu badneyn ee daamur ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Puntland u leedahay Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo, wuxuu ku dhawaaqay in marka qaaraan ururintu soo dhammaato, ay dowladdu dhameystirayso oo bixinayso wixii soo hara.

Kulanka waxaa ka qeybgalay guddoonka baarlamaanka dowladda Puntland, goleyaasha dowladda, aqoonyahano, waxgarad, ganacsato, culimo iyo qeybaha kale ee bulshada.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Afsoomaaliga qoran ee suugaantu
    isticmaasho ayaa ah Isha loo noqdo kolkii la soo xiganayo afka hooyo.
    Bahada saxaafadu iyagoo wax went bulshada u haya oo ah ilaalinta afkeena hooyo, hadana waxa moodaa in aya mar mar ka soo baxaan ereyo aan suugaanta ku jirin.

    Iminka qoraalkaa kor ku xusan waxaa ku jarta kelmada “Foosto” Foosto maahee waa Fuusto

    Waxyaabaha kale aan melicsaday waxaa ka mid ah:

    TUSAALE : Shir ayaa ka maantay ka dhacay magaalada muqdisho oo “Looga Hadley” sugaanta markaa eegtid markii lacabirayo hadalkaa waxaa la oranayaa:

    Shir ayaa maantay ka dhacay magaalada muqdisho shirkaasoo “lagaga hadley” weeye maaha looga hadley.

    Waxan jerinayaa inay noqoto mid faaiido leh.