Muqdisho: Afhayeenka Booliiska oo ka badbaaday Qarax

Published: January 6, 2021

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa xalay ka badbaaday qarax lala beegsaday gaarigiisa oo marayey wadada 21 Oktoober ee degmada Waaberi.

Illaa inta hada la xaqiijiyey hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qaraxan, iyadoo ay dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen dad kale oo shacab ah oo wadada marayey.

Kooxda Al Shabaab ayaa horey u sheegatay weeraro noocaan ah oo lala beegsaday gaadiidka mas’ uuliyiinta ka tirsan dowlada oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Al Shabaabta ka hawlgasha magaalada Muqdisho ayaa muuqata in ay inta badan si hoose ulla socdaan dhaq dhaqaaqyada mas’uuliyiinta ay weerarada noocaan ah la beegsadaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *