Farmaajo: “Waxaa muuqata rajo ku aaddan soo noqoshada maqaamkii Ciyaaraha dalka”

Published: January 8, 2021

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabadda xiritaanka tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa sheegay in tartankan uu kor u qaaday is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu u leeyihiin nabadda, xasilloonidda iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta Tahriibka iyo qabyaaladda.

“Dowladdu si ay u hirgeliso qorsheyaasha Qaran ee horumarinta ciyaaraha waa in qeybaha kala duwan ee bulshada ay doorkooda ka qaataan. Xukuumadda waxaan ku adkeynayaa in ay xoojiso isdhexgalka bulshada, taas oo ay ugu horreeyaan ciyaaraha Kubadda Cagta”.

MADAXWEYNE FARMAAJO

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey wasaaradaha ciyaaraha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, ciidamada Qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir, dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda tartankan.

“Waxaa muuqata rajo ku aaddan in aan dib u soo ceshan karno maqaamkii iyo heerkii aan ka joognay ciyaaraha heer gobol iyo heer qaaradeedba, taasna waxaa caddeyn inoo ku filan ciyaartooyda dhallinyarda ah ee inta Koobku uu socday soo bandhigay farsamada, dabeecad wanaagga iyo xirfadda sare”.

Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhammaan kooxihii ka qeybgalay tartanka, iyada oo billado la guddoonsiiyey xulka kubadda cagta gobolka Banaadir oo qaaday koobka iyo xulka Galmudug oo xaqiijiyey kaalinta labaad.

Munaasabadda xiritaanka tartanka dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, Raysal wasaare Rooble, guddoomiye Cumar Filish iyo masuuliyiin ka socday goleyaasha dowladda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *