Midowga Murashaxiinta oo beeniyey hadalkii “Qoor-Qoor” – VIDEO

Published: January 9, 2021

Afhayeenka Midowga Murashaxiinta Ridwaan Xirsi oo galabta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in aysan waxna ka jirin in dhankooda ay ka biyo-diideen waan waantii uu sheegay inuu waday Madaxweynaha Galmudug ee lagu dhex dhexaadinayey Murashaxiinta Madaxweynaha, Puntland, Jubaland iyo Villa Soomaaliya.

Ridwaan ayaa beeniyey warkii kasoo baxay Axmed Kaariye Qoor Qoor Madaxweynaha Galmudug oo shirkii jaraa’iid ee uu la qabtay Raysalwasaare Rooble khudbadiisii ku sheegay in ay wax jawaab ah ka waayeen dhinaca Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta xilka u tartameysa.

“…Waxaa fajiciso nagu noqotay in maanta Raysalwasaaraha yiraaho doorashada loo dhaqdhaqaayaa… Qoor-Qoor jawaab naguma soo celin, Raysalwasaare kuxigeenka Jawaab naguma soo celin…waxaana sheegaynaa in Madaxweynaha dalka uusan diyaar u ahayn inuu qabto doorasho xalaal ah…”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *