RW.Rooble oo kulan la yeeshay haweenka ku jira Baarlamaanka Federaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo Xaqiijin lahaa qoondada 30% ee Haweenku ay ku leeyihiin Golayaasha Qaranka.

Wasiirka Haweenka Marwo Xaniifo Maxamed Ibraahim ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo xaqiijin lahaa qoonddada haweenka ee siyaasadda, kulankan maanta waxaa uu qeyb ka yahay dadaaladaas wasiirka hormuudka u tahay.

Horseed Media