Walaac laga muujiyey ciidamada Haramcad ee la geeyey Beledweyne

Published: January 9, 2021

Waxaa shalay iyo maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan gaaray diyaarado sida ciidamada loo yaqaan Haramcad oo laga soo qaaday caasimada Muqdisho.

Ciidamadan oo la dajiyey garoonka kubadda cagta ee ku yaal gudaha magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in qorshahooda ku aadan yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen maleeshiyaadka kasoo jeeda deegaanka ee ku sugan magaalada kuwaasi oo kasoo horjeeda Maamulka Hirshabelle.

Jeneraal Xuud oo hogaamiya maleeshiyaadka kasoo horjeeda Hirshabelle ee fariisinka ka sameystay magaalada Beledweyne ayaa horey u sheegay inaysan aqoonsaneyn maamulka Hirshabelle ee lagu dhisay Jowhar ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Imaanshaha ciidamadan ayaa kusoo beegantay saacado kahor markii ay dowlada Federaalka ku dhawaaqday in ay bilaabi doonto doorashada dalka oo goobaha la qorsheeyey inay ka dhacdo ay kamid tahay magaalada Beledweyne.

Qaar kamid ah murashaxiinta Madaxweynaha ayaa ka digay dhaq dhaqaaqa militari ee xukuumada Federaalka ka wado gobalada Hiiraan iyo Gedo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur hogaamiyaha xisbiga Wadajir ahna Murashax Madaxweyne ayaa sheegay in ciidamada la geeyey Hiiraan ay qeyb ka tahay qorshaha Madaxweyne Farmaajo ku doonayo inuu awood ciidan u adeegsado doorashada lagu muransan yahay.

Ciidanka Haramcad ee Madaxweyne Farmaajo uu maanta Beledweyne ka dejiyey iyo kuwii ka horeeyey ee uu Dhuusamareeb iyo Gedo geeyey waxay daliil cad u yihiin damaciisa doorashada boobka ah. Waxay kaloo cadayn u tahay in uu diidan yahay wadahadal iyo is faham laga gaaro is marin waaga doorashooyinka.

Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo in Farmaajo dalka loo afduubto oo doorasho boob ah loo qabato, xilkii uu doono ha hayo, deegaankii uu doono ha ka soo jeedo, qabiilkii uu doonana magaciisa ha ku hadlo wuxuu halis ku yahay danta iyo amniga qaranka Soomaaliyeed, diiwaanka taariikhdana meel madow buu ka gelayaa. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed in aan meel uga soo wada jeesano kuwa doonaya in ay dalka naga duminayaan.

Cabdiraxman Cabdishakur

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *