Xassan Shiikh: “…Doorashadan ma sahlana Midnamadeena ayey khatar gelin karta…”- VIDEO

Published: January 9, 2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo caawa shir jaraa’iid ku qabtay Hotel Aljazeera oo ay shir deg deg ah ku yeesheen murashaxiinta Madaxweynaha ayaa xukuumada Federaalka uga digay qaabka ay u wado doorashada.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si adag u dhaliilay qaabka uu Raysalwasaare Maxamed Rooble uu ugu dhawaaqay in doorashada la bilaabi doono iyadoo aan la xalin qodobadii la isku heystay ee uu murranka ka taagnaa.

“…Madaxdii naga soo tagtay ee Garowe isku aragnay wax jawaab ah naguma soo celin…banaanka ayaan ka maqalnay warar kale…” ayuu yiri Madaxweynihii hore.

Wuxuu Madaxweynihii hore sheegay in doorashadan ay tahay mid khatar gelin karta midnimada dalka isla markaana ay uga digayaan xukuumada iyo Madaxweyne Farmaajo inuusan burbur ku keenin dowladnimada iyo midnimada Qaranka.

…Hadalada kasoo yeeray xukuumada waxaan u aragnaa Gef…in la yiraaho waa laga soconaa dadka oo loo joojin maayo….Dalkaan hada ayuu kala taagan yahay, Somaliland ayaa naga maqan….Qaar kale in maanta sabab loo abuuro iyagana gooni isu taagaan sababi karta suurtogal maaha…wadajirka ummada iyo dowladnimada ayey dhaawacee….”

Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur-Galbeed iyo Hirshabeele ayuu sheegay inay iyaguna yihiin kuwo aan ka tarjumeyn rabitaanka shacabkooda iyo deegaanada ay metelaan, isla markaana aysan kursiga usoo boobi karin Madaxweynaha xilka haya.

“…Hadii doorashooyinkii shalay ee gobalada ciidan iyo xoog lagu boobay…Tan maaha mid la boobi karo…Madaxweynaha waa inuu dadka iyo dalka isku hayo…haduu tagayona waa inuu dalka oo middeysan wareejiyaa….”

“…Madaxweynaha inuu gadaal fariisto oo uu aamuso oo uu la hadli waayo shacabka iyo saamileyda oo sidii rooxaanta dad kale kasoo dhex hadlo xalka saas kuma imaanayo…” ayuu yiri Madaxweynihii hore.

Mar Xasan Shiikh la weydiiyey tilaabada ay qaadi doonaan hadii aysan xukuumada dhageysan baaqa ama digniintan ugu danbeysay, ayuu sheegay in dhankooda ay qaadi doonaan tilaabo adag balse ay rajeenayaan in xukuumada iyo Villa Soomaaliya “…miirka usoo dego…” oo ay ogolaadaan wadahadal iyo in si wadajir ah lagu xaliyo arrimaha la isku heysto.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *