Axmed Madoobe: “…Soomaaliya hadii ay xamili-kareyso Dikteetarshib maysan burburteen…” – Video

Published: January 10, 2021

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu noqday magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay khilaafka weli ka jira nidaamka doorashada iyo go’aankii kasoo baxay xukuumada Federaalka shalay.

Axmed Madoobe oo asbuucyadii lasoo dhaafay ku sugnaa caasimada Puntland ee Garowe ayaa markii uu gaaray magaalada Kismaayo sheegay in ay weli jawaab ka sugayeen dhinaca Dowlada Federaalka balse ay lama filaan ku noqotay hadalkii shalay kasoo baxay Raysalwasaaraha Maxamed Rooble oo sheegay in doorashada la bilaabi doono iyadoo aan la xalin khilaafkii horey u taagnaa.

Hogaamiyaha Jubaland ayaa beeniyey warkii kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, isagoo sheegay in aan wax jawaab ah uga imaan Villa Soomaaliya, dhankoodana ay sameeyeen tanaasulaad badan.

Madaxweyne Madoobe oo ka hadlayey arrinta gobalka Gedo oo kamid ah qodobada ugu muhiimsan ee la isku khilaafsanaa ayaa sheegay in dhankooda ay xataa soo jeediyeen in arrimaha ciidamada Federaalka ee dib loo celinayo iyo soo wareejinta maamulka ay diyaar u ahaayeen in dib loo dhigo balse Jubaland loo madax baneenyo qabashada doorashada iyo hirgelinta heshiiskii la saxiixay 17kii September, isagoo ku eedeeyey Villa Soomaaliya inay diiday wax walba oo wadahadal ah.

Axmed Madoobe ayaa ka digay wadada ay hada ku socoto xukuumada Federaalka iyo qaabka ay dooneyso inay u maareyso doorashada iyadoo aan la xalin qodobada la isku hayo.

“…Waxaan ka digayaa oo aan maanta xal Soomaaliya u ahayn, in fariimo aan jirin hawada la isu mariyo…Doorashada la yiraaho hebel iyo hebelow qabta, hebel iyo hebelow banaanka ka jooga…Waxa ka imaankara aan garaneyno….Soomaaliya haday xamili karayso dikteetarship iyo “.anaa irri.” iyo sidaan hala yeelo maynan burburteen dhibaatadana halkaa maysan gaarteen…” ayuu yiri Axmed Madoobe

Maxaa diidaya in la isu yimaado?

Axmed Madoobe ayaa sheegay inay marar badan ku baaqeen hadana ku baaqayaan in la isu yimaado oo wadahadal fool ka fool ah lagu xaliyo arrimaha jira, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin Madaxweyne Farmaajo inay Muqdisho ugu tagaan, ama isaga uu yimaado Kismaayo ama magaaladii uu doorto.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *