Daahir Geelle: “…Puntland iyo Jubaland kama maarano…” – Video

Published: January 10, 2021

Murashax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Federaalka ku khaldan tahay in ay doorashada qabato iyadoo ay maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

“…Khaladkii shalay gashay Villa Soomaaliya ayey ku maqan tahay Somaliland…Khaladka ay Villa Soomaaliya maanta u heelantahay dalka ayaa ku kala daadan kara…dowlada waa inay tixgeliso cabashada maamulada maqan…” ayuu yiri murashaxa.

Daahir Geelle ayaa intaasi ku daray in sadex qodob aan laga yeeli doonin xukuumada Federaalka, sadexdaas qodob oo kala ah:

1- Inay qabato doorasho aan loo dhameyn.

2- In Ciidamo u adeegsato arrimaha doorashada

3- In ay wakhtiga doorashada ay sii dheerayso ama sii jiido!

Waxaan qabnaa in sadexdda loo baahan yahay ay tahay:

1- Doorasho loo dhan yahay, oo ay maamulada ku mideysan yihiin

2- Doorasho xor iyo xalaal ah oo aan shuqul ku lahayn ciidamo, guddiga doorashada noqdo mid lagu kalsoon yahay.

3- Doorashada in wakhtigeeda ku dhacdo.

“…Dooni meyno dowlad xuduudeeda noqota Koonfurta Gaalkacyo illaa iyo Mundul Baraawe…ee waxaan dooneynaa dowlada xaduudeeda uu yahay dhamaan Jamhuuriyada…”

Mudane Geelle ayaa sheegay in dowlada ay diidantahay in wadahadal la isugu yimaado, isagoo sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin si wanaagsan inay arragtidooda ugu gudbiyaan dowlada, sida wax lagu xaliyona waa in la wadahadlo ayuu yiri Daahir Maxamuud Gelle.

Dhinaca kale mar murashaxa la weydiiyey inay shaaciyaan dhankooda liiska xubnaha kamid ah sirdoonka Qaranka ee guddiga Doorashada ku jira, ayuu sheegay Mudane Geelle inaysan dhankooda marnaba dooneyn inay magacyadaasi shaaciyaan taasi oo khatar ku noqon karta amniga shaqsiyaadkaasi.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *