EU-da oo cusbooneysiiyey hawlgalka ciidamadooda jooga Soomaaliya

Published: January 10, 2021

Xili dowlada Maraykanka ay bilowday in ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Soomaaliya ayey dhinaca kale dalalka Midowga Yurub dib u cusbooneysiiyeen hawlgalada ciidamadooda ku sugan dhulka iyo badda Soomaaliya.

Hawlgalada ciidamada EU-da ee ku sugan Soomaaliya ayaa u badan tababarada ay siiyaan ciidamada kala duwan ee dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hawlgalka illaalinta badda Soomaaliya iyo kahortagida kooxaha burcadbadeeda; hawlgalkaasi oo loo yaqaan Atalanta.

Ciidamada EU-da hawlgaladooda ayaa la sheegay inay sii socon doonaan illaa 31ka bisha December 2022.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu la xariiro xoojinta hawlgalada amaanka ee Soomaaliya & Barriga Afrika iyo kaalinta ciidamada EU-da ku leeyihiin gobalka.

Midowga Yurub ayaa go’aankoodan sidoo kale doonaya inay ku cadeeyaan inay sii wadi doonaan taageerada ay dowlada Soomaaliya kasiiyaan dhinaca amniga.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *