Maraykanka oo Xuuthiyiinta Yemen u aqoonsaday koox Argagaxiso

Published: January 11, 2021

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay liiska kooxaha argagaxisada ah ku dartay kooxda shiicada ah ee Xuuthiyiinta dalka Yemen.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xukuumada wakhtigeeda sii dhamaanayo ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhawaan ay Baarlamaanka u gudbin doonaan go’aankan si loo ansixiyo.

Wuxuu sheegay in sadexda hogaamiye ee ugu sareeya kooxdaasi lagu daray diiwaanka hogaamiyayaasha Argagaxisada caalamiga ah.

Xukuumada Trump ee Maraykanka ayaa muddooyinkii danbe waday cadaadis xoogleh oo ay saareyso Iran iyo xulafada ay ku leedahay dalalka Carabta.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey xuuthiyiinta weerarada dadka rayidka ah lagu dilay oo ay ka geysteen gudaha wadanka Yemen sida weerarkii ugu danbeeyey ee ka dhacay Madaarka magaalada Cadan 30kii December 2020 oo ay ku dhinteen 26 qof iyo weerarada kale oo ay la beegsadaan dalka ay jaarka yihiin ee Sacuudiga oo kamid ah xulafada Maraykanka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *