Puntland oo guddi u saartay arrinta Shillinka Soomaaliga – Video

Published: January 11, 2021

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiya cabashooyinka la xiriira shillinka Soomaaliga.

Guddiga ayaa ka kooban:

Madaxweynihii Hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.
Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland.
Wasiiradii hore ee Maaliyadda ( Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh).
Wasaaradda ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.
Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Bangiga Dowladda Puntland.

Waxaa guddigan sidoo kale ku jira qaar kamid ah Madaxda Jaamacadaha Puntland iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii uu Axadii shalay Shir-guddoomiyey kulan gaar ah looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Dalkan dhaqaale weyn ma yaalo. Lacagtiisuna ma laha aasaas dhaqaale iyo mid keyd. Haddii dawladdii guranayso lacagaha qalaad ee dalka soo gala, dhanka kalana shirkadaha gaamuuray ee isgaarsiinta iyo ganacsato kusheegga iyana ay dhankooda ka guranayaan dollarka, miyuusan sicir barar imaanayn. Waxaa muuqata in dawladdu gabtay wixii looga fadhiyay. Siyaasad, dhaqaale iyo horumar bulsho meesha aan ka marayno waad aragtaan. Somaaliland baa maanta sanaag ku qabanaysa doorashooyinkeeda. Dalku wuxuu u baahan yahay hogaan umada u adeega ee aan baaran. Waxaa dalku u burbur ugu dhacayaa ishaynta islaax iyo ictisaam oo itixaad wada ahaan jiray. Umadda baa ka badan kooxo diimeedyadaas umada baarashadeeda ku caanka ah ee waxaa la joogaa xiligii la iska qaban lahaa. Muwaadinka Puntland waa inuu fahmaa meesha dhibtu ka haysato oo uu xalkeeda raadshaa.