Rooble oo la kulmay guddi ka socda jaamacadaha gaarka loo leeyahay

Published: January 11, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka socday Guddiga Jaamacadaha dalka, isagoo kala hadlay horumarinta iyo tayeyta hannaanka tacliinta sare ee dalka.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, mudane Cabdulaahi Abukar Xaaji, oo kulanka ka qeybgalay ayaa waxaa uu sheegay in u jeedka kulanka uu ahaa sidii la isaga xog wareysan lahaa halka ay mareyso hanaanka waxbarashada sare ee dalka.

“Aniga iyo ra’iisul wasaaraha waxaan la kulannay guddiga jaamacadaha gaarka ka loo leeyahay ( Muqdisho ka howlgala) waxaan aad ugu wadahadalnay, tayeynta waxbarashada iyo horumarinta waxbarashada, ra’isul wasaaraha wuxuu kula dardaaramay in ay soo saaraan jiil ku hubeysan cilmi, si loola tartamo wadamada dariska ah iyo caalamka,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa xusay in maamulka jaamacadaha soo dhaweeyeen in ay sameyaan waxbarasho tayo leh isla markaana jaamacad kasta dhisto waxyaabaha lagama maarmaanka u ah; sida maamul kala sareyn leh, goobo waxbarashada ku habboon iyo macaliniin aqoon u leh waxa ay barayaan da’yarta dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu wasiirku tilmaamay in ay ku garab taagan tahay jaamacadaha sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada dalka gaar ahaan midda sare ee heerka jaamacadda ah, si loo soo saaro jiilkii maamulka wadanka la wareegi lahaa mustaqbalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *