Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada Oo La Kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay

Published: January 11, 2021

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cusmaan Balal ayaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku qaabilay  Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay hirgelinayso qorshe dib-u-habeyn ah oo ku qotoma amniga, caddaaladda, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed si loo daboolo baahiyaha iyo himilooyinka shacabka.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in dowladdu ay la tashiyo la yeelatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo daneeyayaasha kale, taas oo ah horumar siyaasadeed oo gudaha ah.

Ugu dambeyn Wasiiru dowlaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo muddo xileedka dastuurku qeexayo si hore loogu socdo, loogana fogaado waqti luminta, qas iyo qalaanqal-abuuridda iyo is-hortaagidda horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhanka nabadda iyo barwaaqada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *