Dowlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Maleeshiyaad La Sheegay In Lagu Diyaariyey Duleedka Muqdisho

Published: January 12, 2021

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-cadaala) ayaa sheegay inay been abuur yihiin muuqaallo maalmahan lagu baahiyey baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin maleeshiyaad ka soo horjeeda doorashada oo isku abaabulaya  duleedka Muqdisho.

Al-cadaala ayaa xusay in muuqaalka la baahiyey uu yahay mid hore oo loo duubay ujeedda ka duwan tan lagu sheegay, ciidamada ka muuqdana aysan ahayn fallaago u abaabulan inay amni darro abuuraan.

“Muuqaalka maalmahaan la wareejinayay ee lagu sheegay Ciidamo kasoo horjeeda Doorashada waa been abuur aan sal iyo raad lahayn. Muuqaalka la isticmaalay ma aha mid hadda la duubay Ciidamada ka muuqdana ma aha falaago”

Al-Cadaala

Waxa uu u jeediyey warbaahinta iyo dadka sida ka fiirsi la’aanta ah u baahinaya muuqaaladaas iyo kuwa la mid ka ah inay ka dhawrsadaan macluumaad aysan hubin inay faafiyaan, kaas oo si sahal ah ku abuuri kara amni darro, taas oo dhaawacaysa amniga Qaranka, sharafta ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ku daabacay barta uu ku leeyahay internet-ka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *