Madaxweyne Laftagareen Oo Dib Ugu Laabtay Baydhabo

Published: January 12, 2021

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib safaro uu ku tagey dalka Turkiga iyo caasimada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka mid ahaa madaxda Sadex Dowlad Gobolleed oo la qaatay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble go’aankii ahaa la bilaabo doorashada Aqalka Sare.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qaatay door dhex dhexaadin ah, kaddib markii uu habeen hore la kulmay Midowga Musharaxiinta, si loo xalliyo tabashooyinka jira,

Dib ugu laabashadiisan Baydhabo ayeey dad badan ku micneeyeen in ay qeyb ka tahay fulinta balantii ay wadagaleen xukuumadda ee ah in la bilaabo doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *