Midowga Musharaxiinta Oo Baaq U Diray Beesha Caalamka

Published: January 12, 2021

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baaq ku aadan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya 2021 iyo sida loo xalin karo u direen beesha caalamka.

War qoraal oo kasoo baxay midowga musharaxiinta ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay guddi doorasho oo dhammaan dhinacyada ay quseyso ay ku qanacsan yihiin.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu baaqay inay kulmaan guddoomiyaha aqalka sare iyo oday dhaqameedyada Somaliland si ay usoo xulaan guddiga farsamada ee doorashada xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *