Qoor-qoor: ” Doorasho Puntland & Jubaland Ka Hareen, Meel Lagu Yiri Ma Jirto ” – VIDEO

Published: January 12, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in dalka aysan ka dhici doonin doorasho hal dhinac ah, oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho hal dhinac ah oo aan laga wada qeybgaleynin, doorashada waxaa lagu heshiiyay in laga wada qeyb galo, haddii ay jirto tabashooyin waa in la xaliyo, doorasho Puntland iyo Jubbaland ka hareen ama ay ka maqan yihiin sabab ma jirto loo qaban karo, mar walba tabashooyinkii jira in la xaliyo oo doorashada waajib tahay in laga qeyb galo”

Qoor-qoor

Sidoo kale madaxweyne Qoor-qoor ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynaha Jubbaland oo ahaa in aanay wax jawaab ah ka helin Axmed Qoorqoor markii uu dadaalada waday ayuu sheegay in dad ay u xilsaarteen uu la wadaagay, dad mas’uuliyiin oo hebel iyo isla markaana uu ka xun yahay hadalkaas.

Hoos ka dhegayso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *