Rooble oo la kulmay madaxda warbaahinta Muqdisho

Published: January 12, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxda qeybaha Warbaahinta ee ka howlgala caasimadda iyo gobolada dalka.

Kulankaasi waxaa R/wasaaruhu uu kaga waramay muhiimadda ay leeyihiin warbaahinta, gaar ahaan xilligan adag ee uu dalku ku jiro u diyaargarowga doorashooyinka, isagoo ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda ku aadan wacyiginta bulshada.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, xukuumadda Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe iyo kuxigeenkiisa C/raxmaan Yuusuf al-Caddaala ayaa sidoo kale ka  qeybgalay kulankaasi.

Kulankaani ayaa kusoo beegmay xili Xukuumada Federaalka ay horjoogsatay in warsaxaafadeedka murashaxiinta Madaxweynaha iyo warkooda aan laga baahin warbaahinta dowlada maamusho.

Warbaahinta Madaxa banaan ee dalka ka hawlgasha ayaa xiligan lagu jiro ee xasaasiga ah si weyn u baahineysa wararka doorashooyinka oo ay si weyn isugu khilaafsan yihiin Xukuumada taladda heysa iyo murashaxiinta doonaya inay xilka Madaxweynaha kula tartamaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan isagu weli si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu xilka u tartami doono!

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *