USA: Baarlamaanka oo cod u qaadaya mooshinka xil ka qaadista Trump

Published: January 12, 2021

Golaha Wakiilada Baarlamaanka Maraykanka ayaa lagu wadaa berri oo ah Arbaca inay codka u qaadaan mooshin ay soo diyaariyeen xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga oo doonaya in xilka laga xayuubiyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo muddo xileedkiisa uga hartay 8 maalmood oo kaliya.

Xisbiga Dimuquraadiga ayaa Isniintii shalay u gudbiyey Golaha Wakiilada qaraarka ah in Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence iyo Golaha Wasiirada adeegsadaan qodobka 25aad ee Dastuurka dalkaasi oo qeexaya in xilka lagu wareejiyo Madaxweyne kuxigeenka hadii uu Madaxweynaha xilka gudan karin. Mike Pence ayaa loo qabtay illaa iyo maanta oo Salaasa ah inuu go’aankaasi qaato.

Hadii Madaxweyne kuxigeenka iyo Golaha Wasiirada go’aankaas qaadan waayaan ayey sheegeen xisbiga Dimuquraadiga in Arbacada ay codka u qaadi doonaan mooshinka xil ka qaadista Donald Trump.

Sida sharciga qorayo marka Golaha Wakiilada ansixiyo mooshinkaasi waa in Aqalka Sare maxkamadeeyo Madaxweynaha kadibna hadii codod ku filan mooshinkaasi helo xilka sidaa looga wareejiyo Madaxweynaha.

Maadaama wakhti kooban uu xilka uga haray Trump ayey xisbiga Dimuquraadiga doonayaan in Golaha Wakiilada marka mooshinkan ansixiyo aysan u gudbin Aqalka Sare illaa inta uu xilka la wareegayo Madaxweynaha cusub, isla markaana Aqalabiyada Aqalka Sare la wareegayaan Xisbigaasi Dimuquraadiga.

Dimuquraadiga qorshahooda ayaa ah in xataa marka uu xilka ka dego Trump lagu qaado mooshinkaasi la horgeyn doono Aqalka Sare hadii lagu guuleystona ka dhigi doonta in Donald Trump uusan markale dib u qaban karin xil heer Federaal ah sida uu qorayo sharciga Maraykanka. Trump ayaa rajo ka qaba inuu markale xilka Madaxweynaha isu sharaxo sanadka 2024.

Mooshinkan ayaa qodobada loo cuskaday ay tahay kacdoonkii Trump iyo taageerayaashiisa ay ka dhigeen xarunta Baarlamaanka Arbacadii lasoo dhaafay oo ay ku dhinteen 5 qof, iyadoo sharciga wadankaasi qorayo in xilka laga qaado mas’uul walba oo taageera qalalaaso sharci-daro ah ama kacdoon ka dhan ah Jamhuuriyadda, waxaa sidoo kale socda olole la doonayo in xilka looga xayuubiyo qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee sida weyn u taageersan Trump ee kamid ah Xisbiga Jamhuuriga.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *